RW Xamse” Doorashada Puntland waa in aan lagu kala fogaan “Xamse & Xasan oo isla safan.

RW Xamse” Doorashada Puntland waa in aan lagu kala fogaan “Xamse & Xasan oo isla safan.

Raxanreeb ( Muqdisho ) Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay doorashooyinka deegaanada Puntland iyo khilaafka u dhaxeeya Dowladda iyo maamulkaas

Isagoo caawa ka hadlayay kulan lagu qabtay degmada Huriwaa ew magaalada Muqdisho ayuu soo hadal qaaday sida muhiim ay tahay in Puntland ay ka fogaato wax kasta oo keeni kara muran iyo is jeed jeed siyaasadeed oo aaqirkii salka dhigan doona meel aan la mahdin.

“Dadka Puntland waxay weligood hormuud u ahaayeen dawlad-dhiska Soomaaliya. Maanta waxaa la maraya heer xasaasi ah oo howshii deyn-cafinta ay gebagebo mareyso. Dalkaan oo deynta laga cafiyo horumarna la gaarsiiyo waa lagama-maarmaan ” ayuu yiri RW Xamse Cabdi Barr.

Waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri markalr

“Waxaan ku baaqayaa in aanan taariikhxumo loo soo jiidin shacabka Puntland, oo horumarkii dalku gaari lahaa uusan u fashilmin diidmo iyo caqabad ka timid maamulka Puntland”.

Waxa uu sheegay Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare inuu soo dhawaynayo doorashada qof iyo cod ee Puntland hase ahaatee waxa uu sheegay inuu ka digayo doorasho keento qalalaase siyaasadeed.

“In doorasho qof iyo cod ah la qabto waan soo dhawaynayaa. Laakiin haddii ay taas suurtogali waydo oo lagu heshiin waayo, waa in wax heshiis lagu yahay la sameeyaa. Haddii nidaamka doorasho ee hadda jiro laga guurayo waa in uu noqdaa guurid la isku wada raacsan yahay” ayuu xusay RW Xamse Cabdi Bare.

Ra’iisulwasaaraha ayaa xusay  in ay dawladda Federaalku dhallinyarada Puntland diyaar u la tahay ilaa 400 oo shaqooyin Macallinnimo ah iyo fursado kale oo ciidannimo leh, laakiin nasiibarro uu maamulka Puntland uu dano siyaasadeed dartood u diiddan yahay inay dhallinyaradu fursadahaas ka faa’ideystaan.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo hadalo kul kul Puntland iyo dowladda Federaalka hawada isu mareeyeen taas oo lagu tilmaamay mid kala fogayn karta labada dhinac.

Leave a Reply

Your email address will not be published.