Muqdisho (Raxanreeb) — Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.
Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan, taasoo ay kamid yihiin Taliyaha Guutada 60aad Ilaalada Madaxtooyadda Qaranka, sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.
General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow ayaa soo noqday Madaxii Hab Maamuuska Madaxtooyada iyo ilaalada Madaxtooyada Koofiya Casta Madaxtooyada muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uuna badalaya Sareeyo Gaas Odawaa Yuusuf Raagge oo xilkan hayay tan iyo 2019-kii.
Taliayah Ciidanka Xoogga dalka ee Xilka banneenaya Odowaa Yuusuf Raage ayaa ku dhashay Degmada Aadan yabaal ee Gobolka Shebeelaha Dhexe Sanadkii 1987-kii waxbarashada Dugsiga Hoose iyo Dhexe waxaa uu ku qaatay isla Degmada Aadan yabaal, halka tan Dugsiga Sare uu ku qaatay Magaalada Muqdisho Sanadihii 2002-dii illaa 2005-tii.
Sanadkii 2018-kii ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya u magacaabay Taliyaha Ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya waxaana loo dalacsiiyay darajada Gaashaanle Dhexe, billooyin ka dib Madaxweyne Farmaajo ayaa 16 August, 2018-kii u magacaabay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed waxaana loo dalacsiiyay Darajada Sareeya Guuto.
March 30, 2019-kii isbadal lagu sameeyay Hoggaanka sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Dhulka. August 22, 2019-kii ka dib markii xilka qaadis lagu sameeyay Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa loo magcaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ugu mdabeyn saddex sano iyo bar oo xilkaan hayay maanta ayaa laga qaaday xilka Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Bil ka hor Taliye Odawaa u dalacsiiyay Sareeye Gaas. Taliye Odawaa ayaa lagu xasuusan doonaa kaalinta uu ku lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab kaas oo Maagaalooyin badan oo gacanta dowladda ka maqnaa in ka badan 10 sano dib ugu soo laabtay, waxa uu hormuud u ahaa dagaalladii ka dhacay Gobollada Hiiraan, Shabeelaha dhexe, Galgaduud iyo Mudug.