Somaliland oo gacanta kusoo dhigay 2 nin oo dil ugeystay nin kale

Somaliland oo gacanta kusoo dhigay 2 nin oo dil ugeystay nin kale

Hargaysa (Raxanreeb ) Ciidanka boliiska maamulka Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay labo nin oo burcad ahaa kuwaas oo lagu eedeeyay iney ka dambeeyeen dil loogeystay nin Daroowal ah oo lagu magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, war kasoo baxay Taliska ciidanka boliiska maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in baaritaan dheer kadib gacanta kusoo dhigeen labo nin oo burcad ahaa oo dil laga naxay ugeystay nin Daroowal ahaa oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Xasan Dacar.

Dhanka kale, Maxamuud Xasan Dacar oo ahaa Daroowal Taksiile ayaa waxaa lagu soo waramayaa in burcadan ey kudhufteen 9 mindiyood iyagoo dilka marxuumka kadib kaqaatay wixii uu watay oo mobile iyo agab kale.

Booliiska ayaana kiiskan dilka ah usoo xiray Xamse Cabdi Saleebaan iyo Ayaanle Muxumed Xaashi, raggan ayaa sidoo kale lagu helay in dad kale horey dhaawacyo iyo dhibaatooyin kalaba ugu geesteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.