Masar oo wafdi usoo dirtay Soomaaliya

Masar oo wafdi usoo dirtay Soomaaliya

Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda dalka Masar, ayaa wafdi xooggan usoo dirtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, xilli ay jirto xaalad kacsanaan ee u dhaxeeysa dalka Aoomaaliya iyo Itoobiya iyadoo dhowaan maamulka Somaliland, ay Itoobiya ula galeen heshiis is afgarad ah, oo ku saabsan 20km badda Soomaaliya in Itoobiya la siiyo.

Somaliland, ayaa sheegtay in dhulbadeed ka kooban 20km ay ku baddelatay aqoonsi in Itoobiya ay siiso inkastoo Itoobiya ay sheegtay marka dhulka toos loo siiyo kaddib ay go’aan ka gaari doonto mowqifkeeda ku aadan maamulka Somaliland.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia, ayaa lagu yiri, “Axaddii, 7-dii Janaayo 2024 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aqalka madaxtooyada ee Muqdisho ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi. Wafdiga ayaa u gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh casuumaad rasmi ah oo uu ku tagayo Masar,”.

“Intii uu socday kulanka, wefdiga waxa ay ku celiyeen in madaxweyne El-Siss uu si hagar la’aan ah u garab taagan yahay madax-banaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo mabaadi’daas asaasiga ah, islamarkaana si adag u caddeeyey inay ka soo horjeedaan fal kasta oo taas xadgudbaya.”

Madaxtooyada Soomaaliya, qoraalkan kasoo baxay ayaa lagu sheegay in wefdiga ka socday Masar ay hoosta ka xariiqeen
Abd el-Fattah Saeed Hussein Khalil el-Sisi, sida hagar la’aanta ee ay uga go’antahay sare u qaadidda xiriirka soo jireenka ah, ee walaaltanimada ee u dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya oo ah, dhinac kasta.

Madaxweynaha dalka Masar, ayaa ahaa midkii ugu horreeyay ee uu wacay madaxweynaha Soomaaliya, kaddib markii Abiy Axmed uu heshiis beenaad ah, la galay maamulka Somaliland.

Dhanka kale Dowladda Masar iyo tan Itoobiya ayaa ka dhaxeeya xiisad hore oo tan iyo haatan taagan, Webiga Nile, biyo xireenka Itoobiya ay u sameeysatay taasoo Masar, ay u aragto caqabad xooggan oo dhanka nolosha dadkeeda soo food saartay.

Ugu danbeeyn dalka Masar ayaa u ah, fursaddii ugu weyneyd, taasoo uu saldhig weeyn kaga sameeysan karo Soomaaliya, isagoona Itoobiya kaga duuli karo halkan.