NACAYB : Rabshado ka  dhashay  Cayaaraha Maamul Goboleedyada Dalka.

NACAYB : Rabshado ka  dhashay  Cayaaraha Maamul Goboleedyada Dalka.

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa la  hakiyay cayaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ka dib rabshado ka dhacay cayaarihii shalay ee KGS Iyo Galmudug.

Warqad ka soo baxday wasaaradda cayaaraha  xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in si KMG ah loo  joojiyay cayaaraha kubadda cagta inta xal laga gaarayo wixii dhacay oo nacayb badan abuuray.

Taageerayaasha  cayaaryahanada maamulka Galmudug ayaa weerar toos ah ku qaaday cayaaryahanada koonfur Galbeed ka socday taas oo ay ka dhalatay dhaawacyo soo gaaray cayaaryahanada.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhankeeda ku dhawaaqday in ay isaga baxeen tartanka ka socda garoonka Stadiom Muqdisho, kaddib weerarka lagu qaaday ciyaartoyda mataleysay.

Dhinaca kale taliyaha booliska Jeneraal Sulub Axmed Firin oo isna shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay dhacdadaas oo u ku tilmaamay in wax laga xumaado.

Eedaha  ugu badan ayay dadka  u jeedeen  laamaha amniga Dowladda Soomaaliya oo qaadi waayay masuuliyada amniga cayaaryahanada ka qayb galaya tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Waxase falcelin kale  ka dhalatay Taliyaha NISA Mahad Salaad oo  dhiiragalin ugu tagay cayaartooyada Galmudug , iyadoo dhaawacyada kuwa KGS ay yaalaan isbitaalada magaalada Muqdisho.

Talaabadan ayaa loo arkaa mid kala fogaynaysa dadka Soomaaliyeed oo sanado badan  ku kala irdhoobay nacayb xaga beelaha ah waxaana baraha bulshada qabsaday ficladan iyo natiijo xumada ka dhalan karta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.