PUNTLAND  ‘’ Xasan Sheekh wuu imaanayaa  Garoowe ‘’

PUNTLAND  ‘’ Xasan Sheekh wuu imaanayaa  Garoowe ‘’

Garoowe (Raxanreeb  ) Magaalada Garoowe ee  Puntland waxaa gaaray 24-kii  saac ee la soo dhaafay madaxdii ugu badnayd kuwaas oo ka qayb galaya caleema saarka madaxwaynaha dib loo doortay Saciid Deni.

Waxa wararka  halkaas naga soo  gaaraya ay sheegayaan in ay socoto qaban qabaadii ugu danbeysay ee caleema saarka madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo markale hoggaamin doona Puntland.

Xubnaha tegay Garoowe waxaa kamid ah ma’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo ay ku jiraan wasiiro iyo xildhibaano ka baxay magaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha  Dowladda  Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ka mid yahay xubnaha ka qayb gali doona isaga iyo masuuliyiin dowladda ah  caleema saarka Sacuiid Deni.

Wasiir  ka  tirsan xukuumada Puntaland ayaa xaqiijiyay ka qayb galka Xasan Sheekh ee caleema saarka Deni taas oo meesha ka saaraysa warka sheegayay In madaxwaynaha ka  qayb gali doonin caleema saarka.

Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada Garoowe, halkaas oo lagu arkayo ciidamo dheeraad ah oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay gudaha magaaladaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.