Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe ee Puntland waxaa gaaray 24-kii saac ee la soo dhaafay madaxdii ugu badnayd kuwaas oo ka qayb galaya caleema saarka madaxwaynaha dib loo doortay Saciid Deni.
Waxa wararka halkaas naga soo gaaraya ay sheegayaan in ay socoto qaban qabaadii ugu danbeysay ee caleema saarka madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo markale hoggaamin doona Puntland.
Xubnaha tegay Garoowe waxaa kamid ah ma’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo ay ku jiraan wasiiro iyo xildhibaano ka baxay magaalada Muqdisho.
Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ka mid yahay xubnaha ka qayb gali doona isaga iyo masuuliyiin dowladda ah caleema saarka Sacuiid Deni.
Wasiir ka tirsan xukuumada Puntaland ayaa xaqiijiyay ka qayb galka Xasan Sheekh ee caleema saarka Deni taas oo meesha ka saaraysa warka sheegayay In madaxwaynaha ka qayb gali doonin caleema saarka.
Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada Garoowe, halkaas oo lagu arkayo ciidamo dheeraad ah oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay gudaha magaaladaasi.
Leave a Reply