Muqdisho (Raxaneeb ) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxay saraakiil loo xiray dil maalmo ka hor magaalada Muqdisho loogu gaystay nin ganacsade ahaa kaas oo inta la afduubtay lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho.
Saraakiisha loo- haysto dilka ganacsadahan ayaa la sheegay in xabsiga loo taxaabay isla markaana dhawaan ay wajihi doonaan cadaaladda sida ay ku warameen ehelada marxuumka.
Warar soo baxay saacadihii la soo dhaafay ayaa sheegaya in Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Huriwaa uu u xiran yahay falkaan oo lagu tuhmayo inuu ku lug leeyahay.
Arintan ayaa loo cuskanayaa sida wararka horudhaca ah ay sheegayaan caddeymaha ay bixiyeen eedeysanayaal kale oo gacanta hey’adaha amniga ku jiro oo tuhunka afduubka iyo dilka qeyb ka ahaa.
Qoyska marxuumka ayaa go’aansaday in hey’daha amniga iyo garsoorka uga dambeeyaan inta baaritaanka uu socdo iyo sidoo kale horgeynta eedeysanyaasha maxkamadaha dalka.
Dilkii ayaa shan cisho ka hor Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistii Ganacsade Abuukar Gaabax oo 22 Bishan Febraayo laga afduubtay degmada Huriwaa ayaa waxaa soo baxaya dilkiisa inay ku lug lahaayeen Saraakiil ciidan.
Leave a Reply