AVV . Daahir Carab : Dastuurka khatar ayuu ku jiraa.

AVV . Daahir Carab : Dastuurka khatar ayuu ku jiraa.

Print

Muqdisho (Raxanreeb ) –Abuukaate Daahir Maxamed Cali oo ka mid ah hoggaanka Ururka Qareennada Soomaaliyeed ayaa ka digay in khatar weyn uu ku sugan yahay Dastuurkii Federaalka ee dalka oo gebi ahaanba hadda la dhalan rogay.

“Markii aan akhriyay nuqullka dastuurka ee maanta barlamaanka loo qaybiyay waxaa ii soo baxay waxa siyaasiyiintu isku hayaan wax ka duwan,” ayuu yiri Abuukaate Daahir.

Abuukaataha ayaa sidan sheegay:

Markii aan Akhriyay nuqullka dastuurka ee maanta barlamaanka loo qaybiyay waxaa ii soo baxay waxa siyaasiyiintu isku hayaan wax ka duwan:-

1- Qoraallada waxaa iiga soobaxay in dadka aan dastuurka u dhiibannay ay ku yaryihiin dad ogaal fiican u leh shuruucda dalka iyo sooyaalka dastuurradii hore ee dalka.

2- Hab fikirka dadka qoray waxaa ka muuqdo inay marka horay ku dul fikireen qoraallo afaf qalaad ku qoran kadibna ay tarjamaaddii qoraalladaas isku dhibeen

3- Waxaa ii baxay in dastuurku uu khatar ku jiro una baahan yahay dabaqabasho

4- Guddiyadu waxay u baahan yihiin khubaro kala talisa sida dastuur loo qoro.

5- Guddiyadu waxay u baahan yihiin khubaro caalami ah oo talo ka siiso dejinta falsafadda guud ee dastuurka iyo halbeegyada lama dhaafaanka ah ee dastuurrada dunidu aysan isku khilaafsanayn

6- Guddiyadu waxay u baahan yihiin khubaro kala talisa shuruucda dalka

7- Ugu dambayntii siyaasiyiinta xilka haaya iyo kuwa banaanka joogaba waxaa la gudboon inay dastuurka faragelinta ka daayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.