Askar lagu dilay magaalada Muqdisho.

Askar lagu dilay magaalada Muqdisho.

Muqdisho ( Raxanreeb ) – Magaalada Muqdisho waxaa laga maqlay xalay jugta qaraxyo waawayn oo la sheegay qaarkood in waxyeelo ay gaysteen.

Laba qarax ayaa ka kala dhacay degmada Deyniile ee Mudisho iyo deegaanka Garasbaalay ee duleedka caasimadda.

Qaraxyadan ayaa ka dhacay goob ay ku sugnayeen ciidanka dowladda Soomaaliya halkaas oo waxyeelo ay ka dhalatay sida ay sheegeen goobjoogayaasha.

Laba askari ayaa ku geeriyootay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Garasbalay.

Qaraxa kale ee degmada Dayniile waxa jira khasaare soo gaaray ciidanka hase ahaatee lama hayo tirada dhimashada & dhaawac ka dhashay.

Dadka Muqdisho ayaa tan & xalay maqlayay daryanka qaraxyada ka dhacaya meelo ka mid ah magaalada Muqdisho , iyadoo arimahan ay dhacayeen ka dib booqasho Taliyaha NISA uu ku tagay meelo lagu caweeyo oo caasimadda ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.