MW Xasan Sheekh ‘’ Dalka wuxuu aadayaa doorasho qof & cod ‘’.

MW Xasan Sheekh ‘’ Dalka wuxuu aadayaa doorasho qof & cod ‘’.

Muqdisho (Raxanree )- Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabada Ciidul Fitriga  ka dib markii ay dhamaatay bishii barakeysneyd ee Ramadaan oo maanta ku ekeyd.

Xassan Shiikh ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, dagaalka Al shabaab, arrimaha doorashooyinka, dastuurka, khilaafka Somalia iyo Itoobiya iyo waliba Ilaalinta madaxbanaanida.

Hambalyada ciidda ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku bilaabay hadalkiisa, “Waan hubaa in dalka, diinta ay u soo duceeyeen dadka Soomaaliyeed ee soo cibaadeystay bishii barakeysneed ee Ramadaan, Allaha noo aqbalo ducadooda,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

DHANKA KALE :

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan Doorasho qof iyo cod ah si ay u doortaan qofka metalaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in laga gudbayo nidaamka Doorashada dadban ee muddo lagu soo dooranayay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Xeer dejinta Baarlamaanka Jamhuuriyadda

“Dadka Soomaaliyeed doorasho qof iyo cod ah ha u diyaar-garoobeen, balan waxaan idinkaga qaaday qof aadnaan dooran in uusan idiin talin” Ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.