MUQDISHO : Xildhibaan lagu dilay & Shabaab oo sheegtay.

MUQDISHO : Xildhibaan lagu dilay & Shabaab oo sheegtay.

Muqdisho (Raxanreeb )-  Koox hubaysan degmada Shibis ee magaalada Muqdisho waxaa  ay ku dileen xildhibaan  hore ee heer maamul goboleed  sida ay sheegeen , qaar ka  mid ah dad goobjoogayaal ah.

Xildhibaankan  lagu dilay  Shibis ayaa ka tirsanaa Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana kooxda dilka fulisay ay isaga baxsadeen goobta.

Sida ay sheegayaan dad  halkaas ku sugan Hay’adaha ammaanka dowladda ayaa gaaray goobta dilka ka dhacay , kuwaas oo sameeyay  howlgal ay ku baadi goobayaan shaqsiyaadkii ka danbeeyay dilka

kooxda Al Shabaab war ka soo baxay  laguna baahiyay baraha internetka ay leeyihiin ayey ku sheegteen in iyagu ka dambeeyeen dilka Cali Cumar Gaab, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ninkan soo noqday xildhibaan katirsan Koonfur Galbeed.

Dilalka qorsheysan ay fuliyaan kooxda Al Shabaab iyo kuwa ay geesanayaan askarta dowladda ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, shalay kaliya ayaana caasimadda waxaa ka dhacay inta la og yahay labo dil oo midkood askari dowladeed uu geestay

Leave a Reply

Your email address will not be published.