Gaza (Raxanreeb )- Israa’iil ayaa markii u horreysay soo bandhigtay heshiis ay ku sheegtay inay furantahay in laga wada-hadlo joojinta dagaalka Qasa.
Sidoo kale soo jeedinta ayaa la sheegay in lagu aqbalay dalabaadka Xamaas oo ay ku jiraan in Falastiiniyiinta ka qaxday loo oggalaado si buuxda inay ugu laaban karaan waqooyiga Gaza iyo in sidoo kale ciidanka Israa’iil laga saaro isgoysyada isku xira marinka.
Xamaas ayaa dhankeeda xaqiijisay inuu soo gaaray soo jeedin ka timid dhinaca Israa’iil, xilligaana ay ku jiraan daraaseyn iyo wada-tashiyo la xiriira.
Dhanka kale : Sarkaal ka tirsan Xamaas Khalil al-Hayya ayaa sheegay in kooxda Falastiiniyiinta ay dib u eegis ku sameynayaan hindise xabbad-joojin cusub oo Israa’iil ah, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil uu sheegay in duullaanka la qorsheeyay ee Rafah “la hakin doono” haddii heshiis maxaabiis isdhaafsi ah la gaaro.
Ugu yaraan 34,388 falastiiniyiin ah ayaa dilay 77,437 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.
Leave a Reply