Shuute oo qaadi doona kiiska musuqa ee saadka ciidanka DANAB.

Shuute oo qaadi doona kiiska musuqa ee saadka ciidanka DANAB.

Muqdisho(Raxanreeb ) – Magaalada Muqdisho waxaa  circa isku shareeray ,  oo aad looga hadal hayaa xafiisyada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaana la sugayaa , talaabo in la qaado.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay socdaan baaritaan dheeraad ah oo ku saabsan sida loo musuqay saadka ciidanka gaarka ah ee Danab oo gacanta ku – hayay mareykanka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay inay socdaam baaritaan arintan ku saabsan isla markaana dhawaan ay soo bandhigi doonaan natiijada baaritaanka.

Wasiirka difaaca  ayaa hoosta ka xariiqay  in dhacdan laba todobaad kahor, ay dhacday  isla markaana jirto in la leexday raashinkii loogu talagalay ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kiiskan oo  ay ku lug leeyihiin sida wasiirka uu sheegay xubno sare sare oo ka  tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa la filayaa in dhawaaan la horgeeyo maxkamada ciidanka qalabka sida.

Dowladd Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u qiimeyn doonto xiriirka iyo iskaashiga kala dhaxeeya ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee Danab, kuwaas oo ay tababarto kadib fadeexad musuq-maasuq oo kusoo baxday.

Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Washington ay dhammaan eedaha musuq-maasuqa u qaadaneyso si dhab ah.

Waxaa la dhawrayaa  go’aanka ay qaadan doonto dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya  ee la xiriirta musuqan lagu sameeyay saadka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka gaarka ah ee DANAB.

Leave a Reply

Your email address will not be published.