Shirka madasha oo ka furmi doono Muqdisho & shaki soo baxaya (XOG)

Shirka madasha oo ka furmi doono Muqdisho & shaki soo baxaya (XOG)

Muqdisho (Raxanreb )-Magaalada Muqdisho waxa lagu wadaa  inuu ka  furmo shirka madasha wadatshiga Qaran oo marar badan uu  dib u dhac ku yimid sabab la xiriirta khilaafka jira.

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray xubno ka mid ah hoggaamiyaasha maamul goboleedyada dalka sida Madaxwaynaha KGS Cabdicasiis Laftagareen iyo Madaxwaynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.

Shirka madasha Qaran ayaa dib u dhac ku yimid marar badan ka  dib markii khilaaf uu soo dhaxgalay Madaxwaynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyaasha qaar sida madaxwaynaha Jubbaland.

Waxaa lagu  soo hadal qaadi doonaa shirkan haddii uu  furmo arrimo ay ka mid yihiin wax ka bedelka Dastuurka iyo doorashooyinka dalka si gaar ahaan doorashooyinka maamul goboleedyada.

Shirkan ayaa la sheegayaa xogaha la helayo in dhinacyadu ay diirada saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin damaca Villa Somalia ee doorashooyinka soo socda

Madaxwaynaha Jubbaland oo aad ay isku hayaan Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa la ogayn ka soo qayb galkiisa shirka , maadama kuwii hore uu ka biyo diiday

Puntland isma hayaan  Dowladda Dhexe waxa ayna ku maqan  tahay khlaaf asalkiisa uu yahay magaaabistii Ra’iisulwasaaraha oo ay ku sii daransantay wax ka bedelka Dastuurka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.