Soomaaliya oo loogu deeqay $18 Milyan oo dollar ka dib heshiis ka dhacay Nairobi.

Soomaaliya oo loogu deeqay $18 Milyan oo dollar ka dib heshiis ka dhacay Nairobi.

Nairobi  (Raxanreeb )- Xaflad lagu saxiixay Heshiiska Bangiga iyo Dowladda Soomaaliya  ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Nairobi, halkaas oo uu ka soconayo shirka Sanad laha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Horumarinta Afrika Marwo Dr. Beth Dunford ayaa wadajir u saxiixay heshiiskaan maaliyadeed oo aad muhiimka ugu ah Dowladda Soomaaliya xiligaan la taagan yahay, maadaama dunida uu saameyn ku yeeshay Isbadalka Cimilada.

Saxiixa kadib, Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa munaasibadda ka jeediyay khudbad kooban oo uu kaga hadlay faaiidada uu Soomaaliya u lee yahay Mashruucaan iyo guud ahaan Wadashaqaynta Bangiga.

Bangiga Horumarinta Afrika waxa uu aad u xoojiyay wada shaqeynta iyo taageerada Dowladda Soomaaliya, tan iyo markii si rasmi ah loogu guuleystay dib-u-habeynta Maaliyadda iyo hannaanka hufnaanta dhaqaalaha dalka

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa maalnimadii shalay ka furmay shirka sanadlaha ah ee bangiga Horumarinta Afrika, kaas oo ay isugu imaanayaan dhammaan Hoggaamiyaasha dalalka Afrika, waxaana shirkaan Soomaaliya ku matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.