Wiil si arxan darro ah, ugu dilay Wajeer Hooyadiisa oo xabsiga la dhigay

Wiil si arxan darro ah, ugu dilay Wajeer Hooyadiisa oo xabsiga la dhigay

Wajeer (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo Talaaladadii ka dhacday gudaha magaalada Wajeer ee dalka Kenya, kadib markii wiil Soomaali ah uu si arxan darro gudaha magaaladaasi ugu dilay Hooyadiisa.

Falkan ayaa ka dhacay xaafadda Cali Macow, oo ka tirsan degmada Wajeer, waxaana eedeysanaha magaciisa lagu sheegay Cabdifitaax Maxamed, kaas oo hadda la dhigay xabsiga.

Eedeysanahan, ayaa dilka hooysadiis u adeegsaday Seef, ama Baangad uu qoorta kaga jaray, sida ay xaqiijiyeen dadka deggan deegaanka.

Guddoomiyaha xaafadda uu falkan ka dhacay oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in ay goobta ay ugu tageen hooyada oo mayd ah, isla markaana uu wiilkeeda qoorta kaga baangada uu usoo qaatay.

“Annaga oo shaqo ku jirno ayaa dadka nasoo waceen waxaa nalagu soo wargeliyay yar Cabdifitaax Maxamed la dhaho in hooyadiis uu qoorta baangad uga jaray, askar ayaan soo qaatay meesha ayaan ugu tegnay maamada oo mayd ah” ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay ninka geeystay falkan horey uu uga geeystay dhibaatooyin magaaladan sidoo kalena horey u xirnaan jiray.

“Mar dhow ayaa ninkan jeelka laga soo daayay, waana qabanay hadda saldhigga ayuu ku xiran yahay” ayuu kusii daray guddoomiyaha xaafadda Cali Macow ee magaalada Wajeer, ee dalka Kenya.

Eedeysanahan, ayaa la sheegay in uu isticmaalo waxyaabaha maanka maandooriyaha noocyadiisa kala duwan inuu qakhar weyn ku yahay noloshiisa, iyo tan dadka deegaanka balse ugu dambeeyn shalay ayuu nolosha dhaafiyay Hooyadiisa.