Muqdisho oo dowladda u taag la’ & dhacdooyin naxdin leh oo ka sii socda.

Muqdisho oo dowladda u taag la’ & dhacdooyin naxdin leh oo ka sii socda.

Muqdisho (Raxanreeb )-  Magaalada Muqdisho waxa ka dhacaya gudaha iyo duleedyadeeda dilalka loo gaysanayo dadka rayidka waxaan intooda badan dilalkaas gaysta askarta dowladda.

Shacabka magaalada ku nool ayaa sheegaya in dhibato badan ay ku qabaan , askarta dowladda ee sida joogta ah u gaysta dilalka shacabka aan waxba galabsan ee caasimadda.

Dil u muuqday mid la soo abaabulay ayaa ka dhacay duleedka caasimada si gaar ah degmada Garasbalaay kaas oo si arxan darra ah uga dhacay halkaas sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ma aysan faahfaahin dilalkan ugu dabeeyay ee ka dhacay duleedka caasimada hase ahaatee waxaa loo arkayaa inuu yahay mid abaabulan.

Dhacdadan ayaa la yaab waxa ay ku noqotay dadka deegaanka taas oo soo xusuustay dhacdooyin kuwaan la mid ah oo halkaas ka dhacay waxaana jirin cid wax ka qabta.

Dowladda Soomaaliya ayaa la daala dhacaysa , dhibaatada la xiriira dilalka arxan darrad ah ee lagu hayo rayidka , taas oo keentay walaac badan oo ay qabaan dadka caasimada ku nool.

Leave a Reply

Your email address will not be published.