Ruushka iyo Belarus oo bilaabay dhoolatus ay Wadajir  ah.

Ruushka iyo Belarus oo bilaabay dhoolatus ay Wadajir  ah.

Moscow (Raxanreeb )- Ruushka iyo Belarus ayaa bilaabay wajigii labaad ee dhoolatuska hubka nukliyeerka , taas oo qayb ka ah dadaalka Moscow ee lagu niyad jabinayo reer galbeedka si ay u joojiyaan taageerada Ukraine.

Ruushka ayaa dhoolatuskan ku dhawaaqay bishii hore, kadib markii madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu sheegay in uusan meesha ka saari doonin in ciidamo loo diro Ukraine, waxaana Maraykanka iyo qaar ka mid ah xulafada NATO ay sheegeen in Kyiv loo oggolaaday in hubka ay reer galbeedku keenaan ay u adeegsadaan bartilmaameedyada soohdimaha.

Dhoolatuskii ugu horeeyay ayaa dhacay bishii hore, waxaana diirada lagu saarayay u diyaar garowga howlgalada Nukliyeerka iyo sida loo cabeeyo loona rido gantaalada.

Dhoolatuskan oo bilowday Talaadadii, ayay Wasaaradda Difaaca ee Ruushka sheegtay in ciidamada Ruushka iyo kuwa Belarusia ay si wadajir ah u qaadan doonaan tababar ku saabsan hubka Nukliyeerka ah ee aan istiraatiijiga ahayn ee loo adeegsado dagaalka.

Waxay intaa ku dartay in layligan looga golleeyahay in lagu diyaariyo ciidan cudud leh iyo qalabka tayo leh si loo xaqiijiyo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee isbahaysiga u dhexeeya Ruushka iyo Belarus.

Leave a Reply

Your email address will not be published.