“Qabsashada Baarlamanka”- Dibadbaxyo hareeyay Nairobi , Kenya.

“Qabsashada Baarlamanka”- Dibadbaxyo hareeyay Nairobi , Kenya.

Nairobi (Raxanreeb )- Waddooyin badan oo magaalada Nairobi ee dalka Kenya maanta oo Talaada ah waxaa isugu soo baxay kumanaan qof kuwaas oo dhigayay dibadbaxyo  rabshado wata.

Muwaadiniin Kenyan ah ayaa isugu soo baxay bannaanka baarlamanka maanta si ay uga mudaaharaadaan kordhinta canshuuraha muranka dhaliyay

Ciidanka Booliska ayaa la arkayay iyaga oo  adeegsanaya  sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan  dadka dibadbax ka dhigayay maanta banaanka  Barlamaanka dalkaas.

Dibadbaxa oo loogu magac daray “Qabsashada Baarlamanka” ayaa kuwa abaabulaya waxa ay baraha bulshada ku faafiyeen taleefonada xildhibaanada, ayaga oo dadka ku boorinaya in ay ku qarqaan wicitaan iyo farriin qoraaleedy

Qodobada ugu muranka badan sharciga waxaa ka mid ah canshuurta baabuurta, oo noqon doonta 2.5 boqolkiiba qiimaha gaariga, iyo soo celinta canshuurta rootiga.

Ruto ayaa xukunka ku yimid 2022 ballan-qaad ah in uu dib usoo nooleyn doono dhaqaalaha, islamarkaana uu lacag ku shubi doono jeebabka danyarta, hase yeeshee siyaasadihiisa ayaa dhaliyey qanacsanaan la’aan baahsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.