KENYA side uga hadashar rabashadihii ka dhacay Naiarobi.

KENYA side uga hadashar rabashadihii ka dhacay Naiarobi.

Nairobi (Raxanreeb )- Dowladda Kenya ayaa meesha ka saartay qaar ka mid ah qoddobo ku jiray hindise-sharciyeed cusub oo dhanka maaliyadda ah, kaas oo jaha-wareer ka dhaliyay gudaha dalka.

Waxyaabaha dadku ka horyimaadeen waxaa ka mid ah canshuur kordhin gaaraysa 16% oo la dul saaray burka ama daqiiqda. Booliska ayaa dad ka dibedbaxayay arrintaan u adeegsaday gaaska indhaha ilmada ka keena, iyadoo tobannaan qofna ay xabsiga dhigeen.

Tan iyo markii la doortay madaxweynaha Kenya William Ruto sanadkii 2022-ka, waxa uu sameeyay tallaabooyin dhowr ah oo canshuur kordhin ah, waxaana uu u sababeeyay in dalka deyn fara badan lagu leeyahay isla markaana uu doonayo in kenya ay isku filnaato.

Hase-yeeshee dadka ayaa ka sheeganaya canshuurta tirada badan, culeys iyo sare u kac ku yimid waxyaabaha quutul-daruuriga ah, iyagoo doonaya in hadda guud ahaan hindisahaan dhanka maaliyadda ah meesha laga saaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.