Ciidanka KGS oo qaaday talaabo  muhiim ah & howlgal socda.

Ciidanka KGS oo qaaday talaabo  muhiim ah & howlgal socda.

Baydhabo (Raxanreeb )- Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Alshabaab ka sameyey Deegaano hoos yimaada Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay

Intii ay socdeen howl-galladu ciidanka ayaa burburiyey goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Alshabaab, kuwaas oo fariisimo u ahaa sida ay sheegtay warbaahinta dawladdu.

Howlgalka waxaa hoggaaminayay taliyaha Ciidanka Daraawiishta Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay Sandheere Xasan Aadan iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka koofur galbeed.

Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab oo ay wadaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanku ayaa kordhay bilihii la soo dhaafay, ayadoo dhowaan la filayo inuu billow wajiga labaad ee dagaalka Alshabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.