Saddex qof oo ku geeriyootay shil ka dhacay Somaliland.

Saddex qof oo ku geeriyootay shil ka dhacay Somaliland.

Hargaysa (Raxanreeb )- Saddex qof ayaa xalay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay magaalada Dilla ee gobalka Awdal Somaliland.

Shilka ayaa dhacay Kaddib markii ay isku dhaceen gaari Fitsa ah iyo Bajaaj marayay meel udhow saldhigga degmada.

Saddexda qof ee geeriyootay ayaa la sheegay in ay saarnaayeen mootada.

Saacadahii la soo dhaafay Somaliland dad tiradoodu gaarayso 6 qof ayaa u geeriyooday Shil baabuuur.

Maamulada Isbitaallada Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in Isbitaallada la keenay dhaawacyo badan kuwaasoo ka dhashay shilal ka dhacay gudaha Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.