Muqdisho (Raxanreeb )- Magaalada Muqdisho waxaa ka qabsoomay munaasabada maalinta 26-ka Juun oo ku beegsan 64 sanno guuradii ka soo wareegatay markii Soomaaliya ay ka xorowday gumaystaha Ingiriiska.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay waxaana waddooyinka la dhigay ciidamo fara badan si ay u xaqiijiyaan amniga inta ay socoto munaasabadda.
Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa soo saaray amar ah in aan xabado loogu dabaal-degi Karin munaasabadda 26-ka Juun ciidankana ay ilaaliyaan anshaxa.
Hase ahaatee waxaa la maqlayay rasaas xooggan oo loogu dabaaldegayay munaasabada 26-ka Juun oo ka dhacaysay meelo badan oo magaalada Muqdisho.
Talaabadan ayaa dadka magaalada Muqdisho waxa ay u arkayeen in la jabiyay amar ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo aan la dhaqan galin.
Rasaasta dhacaysay ayaa sababtay in dadka magaalada Muqdisho ay wajahaan cabsi xoogaan iyaga oo filayay in si nabad ah ay ugu dabaal degaan maalmaha xoriyadda.
Leave a Reply