FARMAAJO ‘’Hala joojiyo dagaal beeleedyada dalka ka socda ‘’.

FARMAAJO ‘’Hala joojiyo dagaal beeleedyada dalka ka socda ‘’.

Doha (Raxanreeb )- Madaxwaynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyada ka jira waqtigan meelo badan oo Soomaaliya.

Hadalkan ayuu ku soo aaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hambalyada munaasabada maalmaha xoriyadda dalka oo si wayn ugu qabsoomay meelo badan oo dalka ah.

Farmaajo ayaa sheegay in todabaadkan ay waajib tahay in uu horseedo midnimo dadka Soomaaliyeed dhaxdooda ah, isagoona ku baaqay in la joojiyo colaadaha sukeeye ee ka aloosan qaar kamid ah gobolada dalka

”Todobaadka Xoriyadda waxaa waajib ah in uu inoo horseedo midnimo, xoojiyana walaalnimada dhexdeenna ah, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in la joojiyo colaadaha sokeeye ee maanta ka aloosan gobollo badan oo ka tirsan dalka” ayuu yiri Farmaajo.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hadalka uu  soo saaray ayaa imaanaya iyadoo meelo badan oo dalka ah ay ka socdaan dagaalo salka ku haya qabaa’ilka kuwaas oo aan wali wax xal ah laga gaarin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.