Wasiiro ku baxay dagaal Beeleedka Gobolka Mudug

Wasiiro ku baxay dagaal Beeleedka Gobolka Mudug

Mudug ( Raxanreeb) Kulan hordhac ah oo ay isugu yimiddeen  masuuliyiin ka kala socday maamullada   Galmudug  iyo  Puntland oo ay kala  hogaaminayeen, Wasiirro kala socday labada maamul kuwaas oo kala ah Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta sare iyo Wasiirka Maaliyadda Puntland, wasiirka amniga Galmudug iyo Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Galmudug ayaa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Shirka waxaa iyaguna kaqeyb ka ahaa Xildhibaanno katirsan golaha wakiilada Puntland,  Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee Galmudug iyo Duqa magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

Kulankaani oo ujeeddadiisu ahaa sidii loo joojin lahaa xal waarana looga gaari lahaa colaadda ka aloosan deegaannada  Galbeedka Gobolka Mudug iyadoo shirka lagu go’aamiyey:-

1. In si shuruud la’aan ah lagu joojiyo xabbadda,

2.  in labada maamul ay xaqiijiyaan sidii xabbad joojinta loo hirgelin lahaa.

2. In mas’uuliyiinta labada maamul ay si wadajir ah ugu baxaan aagagga  maleeshiyaadku isku hor fadhiyaan  islamarkaana la kala raro.

3. In dib loo bilaabo wadahalladii islamarkaana sida ugu dhakhsaha badan loo fidiyo gogol nabddeed oo la isugu keeno dhinacyada colaaddu dhextaal.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Guddiga Wasiirada iyo Xildhibaannada ah ee ka kala socda Galmudug iyo Puntland inay tagaan degaannada ay dagaallada ka dhaceen ee Galbeedka Gobolka Mudug si ay u kala dhex-galaan dhinacyada dagaalamay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.