MW Xasan Sheeekh miyaa soo celinaya colaadii Soomaaliya & Itoobiya ?.

MW Xasan Sheeekh miyaa soo celinaya colaadii Soomaaliya & Itoobiya ?.

Hargaysa (Raxanreeb )- Somaliland ayaa si aad ah u dhaliilsan talaabooyinka ay qaatay dowladda uu hoggaamiyo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ka dib heshiiskii ay la gashay Itoobiya.

Waxa ay marar badan Somaliland ay ka dhawaaqisay in Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iska  hor keenayo Soomaaliya iyo dalalka deriska sida Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa Madaxweyne Maxamuud ku eedeeyay in uu rabo in uu dib u bilaabo colaadii diinta, dhulka iyo isirka ku salaysnayd ee mudada dheer dhextaalay Soomaalida iyo Itoobiya.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhibaato la magaanyahay Somaliland, isaga oo la hadlaya shacabka reer Muqdisho, ayuu sheegay in barigii horena ay dowladii kacaanku sabab u ahayd burburkii dalka ka dhacay.

Somaliland ayaa sheegtay in ay u madax banaan tahay in ay aayaheeda ka tashato maadama ay ka go’aday Soomaali inteeda kale sida ay ku doodayso .

Maalin ka hor ayay ahayd markii , Golaha wasiirada Soomaaliya ay sheegeen in gooni isu taaga uu khatar amni ku yahay Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.