Paris (Raxanreeb )- Maanta oo Axd ah dalka Faransiiska waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo doorasho taariikhi ah , taas oo si wayn isha lagu wada hayo natiijada ka soo bixi doonto.
Magaalooyinka waa wayn ee dalka Faransiiska waxaa si aad ah ugu socoto doorashooyinkan oo loo arko mid jaan- goyn doonto doorashooyinka kale ee ka dhici doonta dalkaas.
Haddii codadka ay u bataan xisbiyada midigta fog ayaa la sheegayaa in ay keeni karto niyad jab ku imaan doono madaxwaynaha hadda talada haya Macaroon.
Madaxweyne Macron oo ka niyad jabay natiijadi uu xisbigiisa ka keenay doorashadi baalamaaniga ee Midowga Yurub, ayaa horraantii bishaan ku dhawaaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay.
Taasi waxay ka dhignaan doontaa, in muddo xileedkiisa oo ay uga harsantahay saddex sano oo kale uu soo gaba gaboobi doono, haddii laga guuleysto.
Leave a Reply