Ciidanka ATMIS oo ka baxay deegaano cusub & cabsi amni oo muuqata.

Ciidanka ATMIS oo ka baxay deegaano cusub & cabsi amni oo muuqata.

Kismaayo ( Raxanreeb )- Ciidanka ATMIS ayaa gabi ahaanba baneeyay deegaaano hor leh oo ka tirsan gobolka Jubbadda Hoose isla markaana ku wareejiyay ciidanka dowladda Soomaalia.

Arintan ayaa qayb ka ah dadaalada ciidanka dowladda ay ku doonayaan in ay ku sugaan amniga marka ciidanka ATMIS ay baneeyee guud ahaan dalka oo hadda ay ka jirto cabsi amni.

Deegaanada gobolka Jubbada hoose ee ay baneeyaan ciidanka ATMIS ayaa ah deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubada hoose , halkaas oo sanado badan ay u ahayd fariisimo.

howlgalka kumeel gaarka ah Midowga Afrika ee ATMIS ayaa si tartiib tartiib ah u wareejinaya Saldhigyadooda meelo badan oo Soomaaliya ah

Arintan ayaa imaanaysa iyada uu soo baxayo war ku saabsan cabsi amni oo la xiriirta in dalka suurtagal ay tahay in ay la wareegaan kooxda Al- Shabaab marka ciidanka ATMIS ay ka baxaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.