Ciidanka dowladda oo dagaal kula wareegay degaano cusub

Ciidanka dowladda oo dagaal kula wareegay degaano cusub

Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Xaq u dirirka Degaanka ayaa weeraro qorsheysan ku qaaday Fariisimo Al-Shabaab ay kaga sugnaayeen Gobolka Shabeellaha Dhexe

CXD iyo kuwa xaq u dirirka ayaa weeraray ilaa Sadax Fariisimo Al-Shabaab Gobaad ka dhiganayeen, kuwaas oo ay kasoo abaabulaan weerarada qorsheysan.

Howlgallada ayaa ka kala dhacay degaannaa kala ah Murcudka, Gacal ugaas iyo Burka Fiiqey oo u dhaxeeye Ruun-nirgood iyo Daaru-Nimca.

Saraakiisha horkacayay howlgalka ayaa xaqiijiyay in howlgalku ahaa mid qorsheysan Sidii loogu talagalayna uu u dhacay Jab xoogana lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Guud ahaan goobihii ay Gabaadka ka dhiganayeen Al-Shabaab ee aagaas ayaa soo galay gacanta Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa Degaanka

Leave a Reply

Your email address will not be published.