Soomaalida ku nool Islii, Kenya oo caqabad wajahay – maxay tahay ?

Soomaalida ku nool Islii, Kenya oo caqabad wajahay – maxay tahay ?

Nairobi (Raxanreeb ) – Soomaalida ku nool xaafada Islii magaalada Nairobi  ee dalka Kenya ayaa wajahay saacadihii la soo dhaafay xaalad koronto la’aan ah

Raxanreeb oo ay la xiriirtay Soomaalida dalkaas ku nool gaar ahaan xaafada Islii ayaa sheegay in tani saamayn xoogan ay ku yeelatay hanaanka  nolosha caadiga ah ee dadka.

Waxay  koronto la’aan ka jirtaa qaybo ka mid ah ismaamullada Nairobi, Kajiado iyo Kiambu ee dalka Kenya.

Meelaha uu adeeggan muhiimka ah maanta ka maqan yahay waxaa ka mid ah aagga waddada Maxamad Yuusuf Xaaji ,Moyale Mall , California, Isbitaalka Pumwani, Isbitaalka Care.

Shirkadda korontada ee dalka ee KPLC ayaa arrinkan  dadka ku wargelisay waxa ayna sheegtay in koronto la’aanta oo soo billaabatay saacadihii la soo dhaafay ee shalay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.