Cabdiraxman Cabdishakuur ‘’ Dowladda musuq ayaa ragaadiyay ‘’.

Cabdiraxman Cabdishakuur ‘’ Dowladda musuq ayaa ragaadiyay ‘’.

Muqdisho (Raxanreeb )-Maanta-da Luulyo guud ahaan dalka waxaa laga xusayaa maalinta xoriyadda & israacii gobolada koonfur & Waqooyi ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlayay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur xaaladda dalka oo uu ku soo aadiyay xuska 64-sanno guuradii ka soo wareegatay xoriyadda ayuu dhaliilay dowladda Soomaaliya.

“Hoggaan kasta ee siyaasadeed ee iska dhega tira cabashada shacabkiisa, talada indgheer garadkiisa iyo dhaliisha mucaaradkiisa waa kaligii talis, waxna soo kordhin maayo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur xaaladda

Waxa uu soo hadal qaaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsamein maamuladii dalka ka jiray iyo dowladdii ay noqdeen kuwo la dareensasdo oo aan la dugaashan.

Intaas waxaa uu warkiisa ku daray Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame  in caddaaladda ay nabad keenta sinnaanta ayaa xiorriyadda dhaliso, labadiina way maqan yihiin guud ahaan dalka sida uu yiri.

Hadalkan siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa imaanaya iyadoo dowladda hadda jirta ee  uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud lagu eedaynayo musuq & eex dhinac kasta ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.