Dhalinyaro farabadan oo lagu xiray Magaalada Baydhabo

Dhalinyaro farabadan oo lagu xiray Magaalada Baydhabo

Ciidamada amaanka magaalada Baydhabo ayaa howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo ka sameeyey xaafadaha magaalada Baydhabo.

Intii uu socday howlgalka waxaa lagu soo qabtay dhalinyaro badan, kuwaasi oo laamaha amaanku ay isugu yeeyeen goob fagaare ah si baaritaano laagu sameeyo.

Dhalinyaradaasi la soo qabtay waxaa booqday wasiirka Amniga KGS, guddoomiyaha gobolka Bay, saraakiisha booliska iyo nabad sugidda.

Masuuliyiintan oo la hadlayay dhalinyarada howlgaladaasi lagu soo qabtay ayaa kula dardaarmay in laamaha amaanku ay la shaqeeyaan, si loo xoojiyo xasiloonida magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.