Mombasa (Raxamreeb )- Hay’adaha amaanka dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in gacanta ay ku soo dhigeen , mid ka mid ah ganacsatada ismaamulada magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Waxaa loo haystaa inuu rasaas ku furay dadwayne mudaaharaadayay islamarkaana dhaawacay labo qof oo ka mid ahaa dibadbaxayaashii isugu soo baxay Mombasa.
Warkan waxaa warbaahinta la wadaagay waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da oo tilmaantay in ay ku hayaan eedaysanayaasha baaritaan dheeraad ah.
DCI-da ayaa xustay in ganacsadaha dilka u gaystay banaanbaxyaasha oo Soomaali ay ku jirtay in lagala wareegay bistaalood uu adeegsaday
Dhanka kale, dibadbaxayaasha oo ka carooday toogashada uu gaystay ganacsadahan ayaa gubay 5 baabur oo goobtaaasi ganacsi horyaallay, islamarkaana ay burbur xooggaan u gaysteen maqaayadda.
Leave a Reply