Al- Shabaab oo ka dagaamay gudaha Kenya – Maxaa khasaara ah oo jira ?

Al- Shabaab oo ka dagaamay gudaha Kenya – Maxaa khasaara ah oo jira ?

Wajeer (Raxanreeb )- Kooxda Al- Shabaab ayaa weerar khasaare gaystay waxa ay ka fuliyeen gudaha dalka Kenya gaar ahaan magaalada Wajeer ee waqooyi Bari Kenya.

Sida ay ku warameen saraakiisha Kenya ilaa afar ka mid ah kooxda weearada soo qaaday ayaa ku dhintay weerarkaas.

Kooxda ayaa lagu soo waramayaa in ay ka gudbeen xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Hay’adaha amniga Kenya ayaa sheegay in ay soo afjareen weerarka kooxda Al – Shabaab ay ka gaysteen gudaha Kenya.

Waxa ay meesha ka saareen Hay’adaha amniga waxyeelo soo gaartay , ciidanka dagaalka la galay Al- Shabaab.

Kenya oo ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya ayaa weeraro kala kulanta kooxda Al-Shabaab oo badana beegsata deegaanada dhaca xadka labada waddan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.