UK (Raxanreeb )- Dalwaynaha Britain maanta waxaa ka dhacaysa doorasho laga soo harmariyay waqtigeeda , waxaana guud ahaan dalkaas laga dareemayaa hananaka doorashadu ay u dhacayso.
Doorashadan oo ah mid Barlamaani ah ayaa isha si aad ah loogu hayaa natiijada ka soo bixi doonto & sida loogu kala adkaan doonto labaduba.
Sida ay baahiyeen saxaafadda UK Xisbiga talada haya ee Muxaafidka ayaa goor sii horeysay qirtay guuldarro ka hor inta aananba la aadin goobaha codbixinta maanta oo Khamiis ah.
Dadka codkooda dhiibtay maanta waxaa ka mid ah Ra’iisulwasaaraha UK Rishi Sunak, kaas oo ka codeeyay Koonfurta Yorkshire, isaga iyo xaaskiisa Akshata Murty .
Malaayiin reer UK ah ayaa awoodi doona in ay doortaan xildhibaanadooda cusub 40,000 oo goob codbixineed oo ku kala baahsan England, Scotland, Wales iyo Northern Ireland.
Ra’iyi ururinti u danbeeysay ee soo baxday Arbacadi shalay ayaa muujisay in xisibiga Shaqaalaha ee siyaasaddiisu tahay bidix-dhexe uu soo gaba gabeyn doono 14 sannadood oo uu xisbiga Muxaafidka talada hayay.
Leave a Reply