JUBBALAND | magaalada Kismaayo  oo lagu toogtay 5 nin oo ka tirsnaa AS.

JUBBALAND | magaalada Kismaayo  oo lagu toogtay 5 nin oo ka tirsnaa AS.

Kismaayo (Raxanreeb )- Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ka tirsanaa  kooxda Argagixisada kuwaas oo horay magaalada Kismaayo uga gaystay dilal kala duwan.

Xubnahan ayaa  ka qeyb ahaa sida Maxakamdu ay sheegtay kooxda Al- Shabaab  isla maraana u qaabilsanaa dilalka qorshaysan ee madax jabiska.

Gacan kudhiiglayaashaa la tooktay ayaa kala ahaa  Maxamed Cabdullaahi Abukar Deerow, Cismaan Maxamed Mursal oo horay u dilay AUN marxuum Sheekh Cumar Maxamed Daahir, halka Gacan ku dhiigle Maxamed Ibraahim Cali iyo gacan ku dhiigle Ilyaas Maxamed Xassan oo iyaguna si wadajira u fuliyay dilkii ANU Marxuum Sheekh Cabdullaahi Dalab saaka la tooktay.

 gacan ku dhiiglaha shanaad ayaa ahaa Ugaas Aadan Maxamed Geedi oo haray Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ay dil toogasho ah ugu xukuntay kaas oo magaalada Kismaayo iyo agagaarkeeda ka gaystay qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa warbaahinta faah-faahin ka siiyay xukunka dilka ah ee lagu fuliyay dambiilayaashii saaka la tooktay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.