Meydadka Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Jubbada Joose kadib dagaalkii dhacay

Meydadka Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Jubbada Joose kadib dagaalkii dhacay

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal xoogan oo degaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhexmaray Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin degaanka Buulo-Xaaji oo hoostaga Magaalada Kismaayo iyo degaanka Harboole oo hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa soo bandhigay meydadka Xubno  badan oo katirsan Al-Shabaab iyo Hub farabadan oo dagaalka looga furtay Al-Shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay inay hadda wadaan howlgallo xoogan oo ay ku baadi goobayaan xubnaha ka haray Al-Shabaab ee ku sugan Aaga degaannada lagu dagaalamay ee Gobolka Jubbada Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published.