Darawal Mooto Bajaaj oo lagu dilay Magaalada Dhuusamreeb

Darawal Mooto Bajaaj oo lagu dilay Magaalada Dhuusamreeb

Askari ku sugnaa bar koontarool oo ku taala afaafka hore ee xarunta maamulka Gobolka Galgaduud ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa toogtay, wade mooto Bajaaj oo lagu magcaabi jiray Maxamed Faarax Qorile.

Askariga dilka geystay ayaa lagu soo xirey Saldhiga Booliiska Dhuusamareeb, halka meydka marxuumka loo qaadey qaboojiyaasha Isbitaalka.

Qaar kamid ah Ehellada wadaha Mooto Bajaajta ee la dilay oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka dalbaday Madaxda Maamulka Galmudug inay cadaalad u helaan dilka wiilkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.