Golaha Shacabka oo ka dooday hubkii lagu qabsaday Cabudwaaq & Arrimo kale

Golaha Shacabka oo ka dooday hubkii lagu qabsaday Cabudwaaq & Arrimo kale

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kalfadhiga shanaad kulankiisa todobaad ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka waxa ay ku sii amba qaadeen ka doodista ajendaha la xiriira hubka sharci darada ah, dagaal beeleedyada iyo dhowrista xasaanadda xildhibaanadda, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Xildhibaanadda oo aad uga dooday ajedanahan ayaa ka hadlay dhibaatooyinka dagaal beeleedyadu leeyihiin iyo dib u dhaca ay dowladnimadeena ku keeni karaan iyo sidoo kale muhiimadda ay leedahayn in la sameeyo qorshe looga hortagayo dagaal beeleedyada ka dhaca gobolada dalka, si loo baajiyo colaad dhiig ku daata oo dhex marta dad walaalo ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in ka doodista hubka sharci darada ah, dagaal beeleedyada iyo dhowrista xasaaanadda xildhibaanadda la dhameystiri doono kulanka kan xiga ee dhici doona maalinta Isniinta ah.

Dooda ku aadan hubka sharci darada ah, dagaal beeleedyada iyo dhowrista xasaanadda xildhibaanadda ayaa xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka waxa ay soo bilaabeen kulankii lixaad ee kan ka horeeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.