Maamulka Koonfur Galbeed oo qaadacay Shir ay ku casuuntay dowladda Soomaaliya

Maamulka Koonfur Galbeed oo qaadacay Shir ay ku casuuntay dowladda Soomaaliya

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa siweyn uga soo horjeestay shirka Culimadda Soomaaliyeed, kaas oo la filayo in uu Maanta ka furmo Magaalada Doxa ee Caasimadda Wadanka Qatar, isla markaana ay soo qaban qaabisay dowladda Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in wax tashi iyo ka qaybgalin aan laga siin doorkii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku lahayd shirkaas.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka

Ayadoo la tixraacayo War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS iyo Wasaaradaha Awqaafta xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, qodabkiisa 5aad, kaasoo dhigayey in “Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Awqaafta xubnaha ka ah Xukuumada Federaalka Soomaaliya ay go’aamiyeen in ay kawada shaqeeyaan qabsoomida shirweynaha 2aad ee sanadlaha ee culimada Soomaaliyeed.”

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay halkaan ka caddeyneysaa gabi ahaanba in la buriyey qodobkaas wax tashi iyo ka qaybgalina aan laga siin doorkii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku lahayd shirkaas oo la filaayo inuu qabsoomo 29-July-2024.

Haddaba, madaxda dowladda iyo taabagaliyaasha shirkaan waxaan halkaan uga sheegeynaa in Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya sanadkan shirkaas aysan qayb ka ahayn, aysana jirin xubno wakiil uga ah ka qaybgalka shirkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.