Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Maanta Kulan xasaasi ah yeelanaya

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Maanta Kulan xasaasi ah yeelanaya

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah ay Xarunta Villa Haregysa ku yeeshaan mid kamid ah Kulamadooda caadiga ah oo ay yeeshaan Xildhibaannada.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada u diray farriin qoraaleed ku aadan inay kasoo qeyb galaan Kulanka Guud ee Xildhibaannada Golaha Shacabka, isla markaana looga baahan yahay inay waqtiga ilalaiyaan, waxaana Ajandaha Kulanka Maanta uu yahay.

Dhameystirka ka doodista Mooshinka Xildhibaannada ee ah hubka sharci darrada ah ee dalka soo galay, dagaal Beeleedyada kajira qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya iyo Xasaanadda ay leeyihiin Xildhibaannada.

Waxaa la filayaa inay Xildhibaannada Golaha Shacabka siweyn uga doodaan Ajandaha Maanta ee kualnka sidoo kalena ay ka hadlaan xaaladda guud ee dalka iyo dhacdooyinka mararka qaar ka dhaca.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa weli horyaalla Hindise sharciyeedyo dhowr ah, kuwaas oo maalmaha soo socda ay aka doodi doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.