Ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS oo isku fidiyay degaano cusub

Ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS oo isku fidiyay degaano cusub

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay wehlinayeen Ciidanka Burundi ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS kuna sugan saldhiga Mahadaay ayaa si wada jir ah howlgal uga sameeyay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkan oo ujeedjiisu ahaa xaqiijinta Amniga ayaa Ciidamada wadajirka ah waxaa ay ka sameeyeen tuulooyinka koonfur bari ka xiga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo mararka qaar ay dhaq dhaqaaqyo ka sameeyaan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayey Taliyaha Guutada 73-aad ee Ciidanka ATMIS, Gaashaanle. Désiré Habyarimana iyo Taliyaha Ciidanka XDS, xidigle. Adam Abubakar, in kastoo aan la shaacin waxyaabo lagu soo qabtay howlgalkaas.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay  ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan xoojinta hawlgallada si meesha looga saaro khatarta Al-Shabaab ay ku heyso nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.