Xildhibaan katirsan golaha shacabka oo maanta loo diiday in uu udhoofo magaalada Beydhabo.

Xildhibaan katirsan golaha shacabka oo maanta loo diiday in uu udhoofo magaalada Beydhabo.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa saakay loo diiday in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, xildhibaankan ayaana la sheegay in uu kusii jeeday magaalada Beydhabo oo laga soo doortay.

Sidoo kale, Ciidamo katrirsan hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ayaa u diiday Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cismaan ( Ciiro ) in uu ka dhoofo Muqdisho, waxaana xildhibaanka lagu wargaliyay in uusan u dhoofi karin magaalada Beydhabo xili uu halkaas kusii jeeday.

Dhanka kale, maalmo kahor ayaana sidaan oo kale ciidanka nabadsugida ugu diideen in magaalada Beydhabo aado xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdullaahi, waxaana labo maalin kaddib xildhibaannada loo ogolaaday in ay aado magaalada Beydhabo.

Dowladda Soomaaliya ayaana ka hadlin sababaha ay xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed loogu diidayo in ay u dhoofaan magaalada Beydhabo, waxa ayna arrintan muujineysaa in wali khilaaf xooggan ka dhax jirio Villa Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Sikastaba, Khilaafka u dhaxeeya Villa Soomaaliya iyo Madaxweyne Laftagareen ayaana gaaray meeshii ugu xumeyd muddooyinkan, waxaana marar badan fashilmay waan waan lagu doonayay in khilaafka labada dhinac ka dhax jira xal loogu helo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.