Wiil dhallinyaro ah oo awoowgiisa ku dilay magaalada Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Wiil dhallinyaro ah ayaa maanta degmada Waabari ee gobolka Banaadir waxa uu ku dilay awoogiis hooyadiis dhalay, waxa uuna falkan noqday mid si weyn uga argagaxeen dadka degan aaga falka uu ka dhacay iyo guud ahaan dadkii maqlay.

Sidoo kale, ninka dilka geestay oo lagu magacaabo Osama ayaa la sheegay in dhowr mar toorey ku dhuftay awoogiis oo magaciisa lagu sheegay  Maxamed Nuur, waxaana dhaawac halis ah oo gaaray ninka toorey lagu dhuftay ugu dambeyn ku geeriyooday isbitaal la geeyay.

Dhanka kale, Ciidamo katirsan hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaa gacanta ku dhigay wiilkii dilay awoogiis, waxa ayna ciidamada ku wareejiyeen saldhigga booliiska degmada Waabari oo lagu baarayo dilaaga.

Dadka degan xaafada uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in wiilka dilay awoogiis uu ahaa mid maskax ahaan caafimaad qabay, lamana oga ilaa hadda waxa uu kalifay wiilkan dhallinyarada ah in dil araggax leh u geesto awoogiis hooyadiis dhalay.

Sikastaba, magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayay dhacdooyin araggaax leh, kuwaa oo isku geesanayeen dad isku qoys ah, sida wiil dilay hooyadiis iyo aabhiis, aabbe dilay wiilkiisa iyo haweeney ninkeeda dishay iyo kuwa kale oo kasii daran.

Leave a Reply

Your email address will not be published.