Milateriga Isra’iil oo shaaciyay tirada rasmiga ee uga dhimatay dagaalkii Lubnaan ay ku qaadeen.

Tel Aviv (Raxanreeb online) – Ciidamada milatariga Israa’iil, ayaa duullaan dhinaca dhulka ah ku qaaday koonfurta dalka Lubnaan, waxa ayna ciidamada Israa’iil dagaal adag oo is difaac ah kala kulmayaan dagaalyahannada daacada u ah ururka hubeysan ee Xisbullaah.

Sidoo kale, war kasoo baxay milatariga Israa’iil ayey ku qirteen in khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac askartooda kasoo gaaray duullaanka Lubnaan ku qaadeen, waxaana la rumeysan yahay in Israa’iil ay xaqiiqada khasaaraha soo gaaray aysan si sax ah u shaacineyn ayna wax qarinayaan.

Dhanka kale, milatariga Israa’iil ayaana sheegay in dagaal xooggan oo shalay ka dhacay koonfurta dalka Lubnaan looga dilay labo askari, waxa ayna tilmaameen guud ahaan tirada askarta looga dilay dagaalka Lubnaan ay gaarayana 11-askari, halka tiro intaas ka badana dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Sikastaba, ciidamada Israa’iil ayaan guulo wax ku ool ah ka gaarin duullaanka dhinaca dhulka ah ay ku qaadeen koonfurta Lubnaan, waxa ayna la kulmeen iska caabin xooggan oo kaga timid kooxda Xisbullaah , oo u muuqada koox aan is dhiibeyn oo jilbaha aasatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.