Ciidamada Jubbaland oo fariisimo cusub ka sameystay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose xilli ay sii kordhayaan howlgallada.

Jubbada Hoose (Raxanreeb online) – Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland oo xoojiyey howlgallada ka dhanka ah dagaalamayaasha AS ayaa lagu soo waramayaa in ay fariisimo cusub ka sameysteen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Ilo wareedyo kala duwan oo ku dhow dhow, ayaa sheegaya in deegaano ka tirsan Waqooyiga Gobolka Jubbada Hoose ee Dowlad Goboleedka Jubbaland uu ka dhacay dagaal muddo kooban socday oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom.

Taliyaha guutada labaad ee ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland Sareeyo Gaas Maxamuud Cabdi Ciilmooge oo la hadlay ciidamada xoogga dalka ayaa bogaadiyay geesinimadooda, wuxuuna ku dhiira geliyay in ay sii laba jibaaraan howlgallada ay ku xoreynayaan deegaanada maamulkaasi.

Ciilmooge ayaa tilmaamay in madaxda dowlad goboleedka Jubbaland ay si buuxda u garab taagan yihiin ciidamada, isla markaana ay ku dhiirigelinayaan ciidamada inay kordhiyaan howlgallada ay kaga xoreynayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab.

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe ku howlanaa diyaarinta Ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo si wada jir ah u fulin doona howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ku sugan Gobolka Jubbada Dhexe.

Tallaabadan lagu dhisayo saldhigyo cusub ayaa astaan ​​u ah tallaabo muhiim u ah dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto sidii ay dhulkeeda uga ilaalin lahayd kooxaha mintidka ah .

Ciidamada ayaa hadda diiradda saaraya sidii loo sii amba qaadi lahaa duullaanka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyaga oo ujeedkoodu yahay sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaaray iyo sidii loo xaqiijin lahaa xasilloonida gobolka Jubbada Hoose oo ah mid istiraatiiji ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.