Tan iyo waqtiyadii hore, marinnada baddu waxay muhiim u ahaayeen socdaalka, ganacsiga, iyo ololaha militariga, ilaa maantana weli way yihiin.
Jidadka badda ayaa si gaar ah muhiim ugu ah daabulidda iyo keenista shidaal aad u badan iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga u ah maraakiibta xamuulka qaada. Sida laga soo xigtay Bankiga Adduunka iyo Qaramada Midoobay, in ka badan 80 boqolkiiba badeecadaha adduunka waxaa lsoo mariyaa badda.
Sidaa darteed gaadiidka baddu waa hab muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah iyo dhaqdhaqaaqa alaabta ceyriin. Sidaa darteed, dalalku waxay inta badan ku daabulaan badeecadaha ay la soo degayaan iyo kuwa ay ka dhoofiyaan badda iyagoo isticmaalaya maraakiib waaweyn.
Waxaa jira waddooyin muhiim ah oo loogu talagalay dhaqdhaqaaqa badda ee adduunka oo dhan, waxaana ugu horreeya Badda Cas.
Baddan oo isku xirta Afrika, Aasiya iyo Yurub, ayaa la rumeysan yahay inay tahay marin muhiim u ah ganacsiga adduunka.
Maxaa yaalla Badda Cas?
Badda Cas ayaa door muhiim ah ku leh ganacsiga iyo siyaasadda adduunka, iyadoo isku xirta Badweynta Hindiya iyo Badda Mediterranean-ka, gaar ahaan marin gaaban oo loo maro shidaalka oo si weyn looga baahan yahay adduunka oo dhan, kana imaanaya Bariga Dhexe iyo dalalka Khaliijka.
Taasi waxay keentay in marka laga reebo Masar, Sacuudiga, Eritera, Yemen, Jabuuti iyo Soomaaliya oo ay baddu marto, waddamo badan oo ku yaalla meel aad uga fog deegaanka iyo qaaradaha kaleba ay si toos ah iyo si dadbanba u joogaan dhulkaas si ay danahooda u fushadaan.
Badda Cas ayaa soo gaabinaysa safarka dheer ee badda ee laga soo bilaabo Badweynta Hindiya ilaa Badweynta Atlaantigga, taasoo u oggolaanaysa waddammada inay si hufan u helaan sahaydooda saliidda iyo gaaska.
Sidoo kale waa marin-badeed muhiim ah oo ay maraan maraakiibta waaweyn ee sida alaabada teknoolojiyadda muhiimka ah iyo badeecadaha ka yimid Australia, Japan, China, Hindiya, iyo waddamo kale.
Intaa waxaa dheer, fiilooyinka gudbinta xogta oo aad u weyn ayaa hadda la dhigay Badda Cas, taas oo noo oggolaanaysa in aan ku xirnaanno dadka adduunka ilbiriqsiyo gudahood macluumaadkana ku beddelanno.
Badda Cas ayaa ah marin istaraatiiji ah oo ay u maraan howlgallada milateri ee ay fuliyaan dalalka daneeya Geeska Afrika, Bariga Dhexe iyo Khaliijka, halkaasoo khilaafyo iyo xasilooni darro ay inta badan ka dhacaan.

Leave a Reply