Muqdisho (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay dagaalkii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Balad xaawo ee gobolka Gedo.
Dagaalkaasi oo ciidanka dowladda, ay kula wareegeen guud ahaan gacan ku heynta degmada Balad xaawo iyo deegaanada hoosyimaada.
Madaxweynaha ayaa ugu horeen ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalladi dhowaan ka dhacay gobolka Gedo, waxa uuna faray ciidanka ka tallaabay xuduudda dalka aan dariska nahay ee Kenya inay dib ugu soo laabtaan deegannadoodii.
Waxa uuna xaqijiyay in cidna aan ciqaab la mari doonin, isla markaana loo ballan qaadayo badqabka iyo nabad gelyadooda.
“Waxaan ka tacsiyadeenayaa dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo, ciidanka ka tallaabay xuduudda dalka aan dariska nahay ee Kenya inay dib ugu soo laabtaan deegannadoodii, ma dhicin doonto cid ciqaab la mari doonin, badqab iyo nabad gelyadooda ayey heli doonaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay gargaar caafimaad iyo taageero bani’aadannimo gaarsiiso dadka ay saameysay xaaladda ka taagan gobolka Gedo.


Leave a Reply