Ciidamo gadoodsan oo xirtay bartmaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari

Ciidamo gadoodsan oo xirtay bartmaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari

Boosaaso ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan kuwa ammaanka Puntland oo gadoodsan in ay xirteen waddooyin muhiim ah oo ku yaalla magaalada.

Ciidamada ka gadoodsan ayaa la sheegay in mushaar la’aan iyo daryeel la’aan ay sababtay in ay xirtaan afaafka hore ee isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso, waxaana ay xannibeen isu socodka gaadiidka dadweynaha ee jidkan halbawlaha.

Ciidankan oo ah askartii ku soo dhaawacmay Hawlgalka buuraha Calmiskaad ayaa ka cabanaya daryeel la’aan iyaga oo markii saddexaad xiranaya waddooyinka Boosaaso.

Sidoo kale ciidamada ayaa madaxda dowlad goboleedka Puntland, dalbanayaan in si deg deg ah wax looga qabto cabashadooda, balse weli xukuumaddu jawaab kama bixin dalabkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.